Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dawladda Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaysa talaalka COVID-19

Dawladda Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaysa talaalka COVID-19

Drs Fawziya Abikar Nuur , wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee dawladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabishay safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Feishengcho.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha Caafimaadka guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Caabuqa COVID-19 iyo meesha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19.
Dowladda Shiinaha ayaa si dhab ah uga caawinaysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha tallaalka ka hortaga caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadida adeega caafimaadka, Wasiiradda Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaaga ay dawladda Shiinaha ay marwalba diyaarka u la tahay shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka ayaa cadeeyay in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan Soomaaliya gaar ahaan ka hortagga cudurka Covid 19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments