Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Maraykanka oo ansaxinaya in ka badan 6 bilyan oo doolar oo dib...

Maraykanka oo ansaxinaya in ka badan 6 bilyan oo doolar oo dib u dejin loogu sameynaya qaxootiga Afghanistan

Golaha wakiillada ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inay ansaxiyaan miisaaniyad dhan 6.3 bilyan oo doolar taasoo loo adeegsan doono in dib u dejin loo sameeyo qaxootiga wadanka Afghanistan.
Miisaaniyaddan ayaa qayb ka ah 28.6 bilyan oo doolar oo loogu talagalay howlaha gurmadka.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay falcelin degdeg ah oo ay xukuumadda Washington kula tacaalayso xaaladaha nololeed ee dalkaasi ka jiray tan iyo markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay hoggaanka Afghanistan.
Maraykanka ayaa ballanqaaday inuu hooy siin doono qaxootiga Afghanistan ka dib markii bishii hore uu soo afjaray daadgureyn uu ka waday caasimadda wadankaasi ee Kabul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments