Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Shacabka xaafadda Islii oo loogu baaqay inay qaataan kaararka Huduma

DHAGEYSO:Shacabka xaafadda Islii oo loogu baaqay inay qaataan kaararka Huduma

Guddoomiye ku xigeenka waqooyiga xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji , magaalada Nairobi Jawaahir Maxamad Muuse ayaa idaacadda Star FM u sheegtay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ay bixinayeen kaararka la soo saaray ee loo yaqaano Huduma.
Hasa ahaate waxay carrabka ku dhufatay in bulshada soomaaliyeed ee ku nool xaafadda aynan inta badan u soo bixin qaadashada kaararka .
Jawaahir ayaa xustay in xafiiskeeda ay yaallaan ilaa 1300 oo ah kaararka loogu talagalay in dadweynaha loogu fududeeyo helidda adeegyada aasaasiga ee dowladda sidaas awgeedna shakhsiyaadka loo sameeyay ee aan weli soo raadsan ay ka codsanayso inay xafiiska tagaan oo ay kala soo wareegaan kaarkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments