Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya AKHRISO:Hadalladii uu MD Farmaajo ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee jimciyadda...

AKHRISO:Hadalladii uu MD Farmaajo ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa

Kulanki sannadlaha ee golaha loo dhan yahay ayaa qabsoomay, xilli madaxda caalamku ay ka hadlayeen waxayaalaha siyaasiga ah ee ka socda gudaha dalkooda iyo arrimaha caalamiga ah ee si weyn u saameya dunida dal ahaan ay halka ka taagan yihiin.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in meel gabagabo ah uu marayo hannaanka in dalka ay ka dhacdo doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo loo dhan yahay, taasi oo sida uu sheegay ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xakamaynta iyo ka soo kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay cudurka COVID-19 iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliya loo wada gaarsiin lahaa tallaalka, dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa si gaar ah qodobbada uu uga hadlay waxaa ka mid ahaa hannaanka doorashada dalka iyo halka uu marayo, isaga oo sheegay in meel gebogebo ah wax marayaan.
“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyinkii u danbeeyey uu khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Iyada oo dad badani ay u arkaan, in khilaafkani wakhti kale dib u sii dhigi karo hannaankii doorashada.
Dhanka kale, waxaa muddooyinkii u danbeeyey socday doorashooyinka aqalka sare, xilli ay maamullada qaar weli aanay soo dhammaystirin xubnaha ku meteli doona aqalka sare.
Halka xildhibaannadii meteli lahaa Gobollada Waqooyina aan weli la dooran.
Soomaaliya dhawr jeer oo hore ayay doorashadu dib uga dhacday xilligii ay ku muddaysnayd.
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay safmarka cudurka Coronavirus, iyo sida ay dal ahaan ula tacaalayaan.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna.”
Shalay ayay ahayd markii Soomaaliya markale soo saareen, shuruuc lagaga hor tagayo cudurka, xilli ay wasaaradda caafimaadku sheegtay in mowjaddii saddexaad ee cudurka uu dalku galay.
Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobaya ayaa ahayd, mid la sii duubay oo iyada oo muuqaal ka baxaysay kulanka golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments