Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Taliyihii NISA ee degmada Buurhakaba oo qarax ku dhaawacmay

Taliyihii NISA ee degmada Buurhakaba oo qarax ku dhaawacmay

Qarax ah midka miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Saraakiil dhinaca Ammaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in Gaari ay saarnaayeen mas’uuliyiintaan lala beegsaday qaraxa, iyadoo uu ku dhaawacmay Taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba oo lagu Magacaabo Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaasi Nuurow Ibraahim & askar.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawaca mas’uuliyiintaan oo la sheegay in uu yahay mid fudud.
Laamaha Amniga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa weli si faahfaahsan uga hadlin qaraxa ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments