Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Shirkii uu ku baaqay MD Farmaajo oo maanta lagu soo bandhigaayo xogta...

Shirkii uu ku baaqay MD Farmaajo oo maanta lagu soo bandhigaayo xogta Ikraan Tahliil

Waxaa lagu wadaa in manta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya uu ka dhaco shirka Amniga qaranka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo kaasoo lagu soo bandhigi doono xog ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo dabayaaqadii bishii Lixaad ee sanadkan la waayay.
Inkastoo guddiga Amniga qaranka uu yahay mid kala dhantaalan haddana waxaa lagu waddaa in ugu yaraan xogtii uu ballanqaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in maanta lasoo bandhigo lana shaaciyo waxyaabaha keenay Kiiska Ikaraan.
Taliyihii hore ee NISA ayaa maanta soo gaaraya Muqdisho, maadaama shalay laga celiyay dalka Jabuuti oo xalay haddana uu kasoo duulay magaalada Istanbuul sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.
NISA ayaa horay u sheegtay in Ikraan Tahlil Faarax ay dileen Ururka Al-Shabaab ka dib markii ay afduubteen , warkaas waxaa si weyn uga soo horjeestay Ehelada Ikraan iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments