Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynihii hore ee dalka Algeria oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Algeria oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Algeria Cabdilcasiis Bouteflika ayaa geeriyooday xalay isagoo 84 sano jir ah, ka dib muddo uu xanuunsanaa.
Waxaa sidatan shaaca ka qaaday madaxtooyada wadankaasi.
Bouteflika oo ah ruug caddaa u soo dagaallamay madaxbannaanida dalka Algeria ayaa xukumayay waddankaasi waqooyiga Afrika labaatan sano, ka hor inta uusan is casilin bishii Afaraad ee sanadkii 2019-kii ka dib dibadbaxyo looga soo horjeeday asaga ee saameeyay dalkaasi.
Marxuumka ayaa talada dalkaasi qabtay sanadkii 1999-kii ka hor intaa uusan is casilin laba sano ka hor.
Waxaa uu sanadihii ugu horreeyay ee uu xilka hayay wadankaasi u horseeday horumar dhanka dhaqaalaha ah.
Waxaa uu sidoo kale ku guulaystay inuu dalka isku hayo intii uu socday kacdoonkii carabta.
Markii ay bilowdeen kacdoonkii carabta ee sanadkii 2011-kii, dowladdiisa ayaa ka jawaabtay, iyada oo ay abuurtay kumanaan ganacsiyo yaryar ah, in kasta oo rabashaduhu ay sii socdeen.
Bouteflika ayaa lagu eedeeyay dhimashada dad rayid ah markii uu amray militariga dalkasi sanadkii 2017-kii in ay xoog ku galaan warshad gaas oo ku taalla saxaraha Algeria si ay u badbaadiyaan boqolaal la haystayaal ah oo ay haystaan koox xiriir la lahayd Al-Qaacida.
Awoodda Bouteflika ayaa bilaabatay inay hoos u dhacdo markii uu ku dhawaaqay inuu markii shanaad u tartamayo jagada madaxweyninimo bisha Labaad ee sanadkii 2019-kii, taasoo dhalisay mudaaharaadyo waaweyn oo aan la arag tan iyo dibadbaxyadii xornimada ee sanadkii 1962-kii.
Muddo toddobaadyo ah ayaa shacabkii dibadbaxayay dalbanayeen in Bouteflika iyo xulafadiisa ay iscasilaan.
Mr. Bouteflika ayaa go’aankiisii hore ee ahaa inuu markale isu soo sharraxo ka laabtay, isaga oo sheegay in uu sii joogi doono inta laga soo saarayo dastuur cusub, iyadoo kacdoonka uu sii socday.
Dibadbaxyada ayaa sii socday iyadoo ugu dambeyn milateriga ay soo afjareen xukunkii Bouteflika bishii Afaraad ee 2019-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments