Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka waxbarashada oo ku dhaleeceeyay siyaasiyiinta faragelinta manhajka cusub

Wasiirka waxbarashada oo ku dhaleeceeyay siyaasiyiinta faragelinta manhajka cusub

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka George Magoha ayaa Jimcihaha maanta ah weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta, isagoo ku eedeeyay inay siyaasadeyeen Manhajka cusub ee loo yaqaano (CBC).
Isagoo ka hadlayay xaflad qalin -jebin ah oo ka dhacday Jaamacadda Embu, wasiirka wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta inay isku dayayaan inay ka been abuurtaan CBC, iyaga og in baaritaan dhab ah lagu sameeyay ka hor inta aan la dhaqan gelin.
Prof Magoha ayaa sheegay in manhajka cusub ee CBC uu si wanaagsan ku bilowday, wuxuuna ka codsaday siyaasiyiinta inay joojiyaan faragelinta.
Arrintan ayaa ku soo aadaysaa iyada oo ay weli taagan tahay hadal haynta ka dhalatay in wasaaradda waxbarashada aynan joojin doonin dhaqangelinta manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments