Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo Muqdisho ku geeriyooday

Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo Muqdisho ku geeriyooday

Sida ay qortay warbaahinta gudaha Soomaaliya Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta ku geeriyooday Alle ha u Naxariistee Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Warfaafinta maamul Goboleedka Hir-Shabeelle kana mid ahaa Baarlamaanka maamulkaasi Maxamed Axmed Faarax ( Kolombo)
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida wasiirka, iyagoo sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanaa sidaasina uu Maanta ku geeriyooday.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo loogu tacsiyadeeynayay Wasiirka geeriyooday ayaa lagu sheegay Gudoomiye Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed isagoo ku Hadlaya Magaciisa, kan Guddoonka, iyo Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle uu ka Tacsiyadeynayaa Geerida Naxdinta leh ee ku timid Xildhibaan Marxuum Mohamed Ahmed Farah (Kolombo) oo kamid ahaa xubnaha ugu fir fircoon ee Barlamanka Hirshabelle kaasoo ku geeriyoday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments