Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirkii hore Ciyaaraha oo xuriyadiisa dib u helay

Wasiirkii hore Ciyaaraha oo xuriyadiisa dib u helay

Maxkamadda ayaa maanta waxaa ay xukun dul dhigtay wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha dalka Xasan Wario iyo ku xigeenkii qasnad hayaha guddiga qaran ee olimbikada Stephen arap Soi oo shalay dembi lagu helay.
Maxkamadda ayaa eedeysanayaashan ku caddeeysay inay malaayiin shilin musuqmaasuqeen sanadkii 2016-kii xilligaasi oo la qabtay cayaaraha Olimbikada ee ka dhacay dalka Braziil.
Maxkamadda dhageysato dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa iyo ku takriifalka awoodeed ayaa sheegtay in mas’uuliyiintan hore ay dembi galeen.
Qiimaha lacagta ay maxkamaddu sheegtay in sidii la rabay aan loo adeegsan ayaa dhan 88.6 milyan oo shilin.
Xasan Wario, ayaa maxkamad ku taal Nairobi ku ganaaxday lacag dhan Ksh.3.6 milyan oo shillinka dalka ah kadib markii lagu helay falal musuqmaasuq, ku takri fal xafiis, iyo lunsi lacageed intii lagu guda jiray ciyaarihii Olombikada ee Rio sanadkii 2016-kii.
Mr Wario ayaa maxkmadda sido kale ku amartay hadii uusan bixin lacagta lagu ganaaxay uu mutaysan karo xabsi dhan 6 sano .
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Wario uu dib helay xuriyadiisa.
Dhankiisana ku xigeenkii qasnad hayaha guddiga qaran ee olimbikada Stephen arap Soi ayaa isagana lagu ganaaxay 105 milyan hadii uu awoodina xabsi dhan 12 sano .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments