Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay inuu hakiyay awooda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay inuu hakiyay awooda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Warkan ayaa lagu faafiyay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada wadanka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu Ra’iisal wasaaraha “ka weecday waajibaadkii loo igmaday xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas”
Farmaajo ayaa ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay inuu “qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka Somalia u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni.”
Qoraalka ka soo baxay madaxtoyada ayaa lagu yiri “Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban”.
Farmaajo ayaa sheegay in Raosil wasaare Rooble sameeyay tallaabooyin xadgudub ku ah xquuqda mushaaraadka ciidamada .
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in arrintaan aaney u hakin doonin howlaha doorashada oo ay sii socon doonaan.Wasiirada ayaa la sheegay in ay sii wadayaan shaqooyinkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments