Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo ka hadlay israsaasayn saaka ka dhacday magaalada Muqdisho

DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo ka hadlay israsaasayn saaka ka dhacday magaalada Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhinacyadii Maanta ku dagaalamay magaalada Muqdisho ay ahaayeen laba maleeshiyo beeleed oo isku qabsaday dhul ku yaal agagaarka Isgoyska Banaadir aysana ka mid ahayn ciidamada dowlada Soomaaliya.
Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Goobta lagu dagaalamay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku baxeen dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena dhulka lagu dagaalamay ay dacwadiisu taallo Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa uu afhayeenka booliska Soomaaliyeed uu tilmaamay inay Ciidamada Booliska gacanta ku hayaan dhulkii lagu dagaalamay, si loo sugo amniga dadweynaha iyo goobaha Ganacsiga,sidoo kale ay jiraan dad ku dhintay iyo kuwo dhacdadaas ku dhaawacmay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments