Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Rw Rooble oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqaddii kasoo baxday MD...

Rw Rooble oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqaddii kasoo baxday MD Farmaajo

Rai’sul wasaaarha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war qoraal ah oo uu dhawaan soo saaray waxaa uu ku qaadacay go’aan uu maanta madaxwaynaha soo saaray oo ahaa in uu hakiyay awoodihii rai’sul wasaraha.
Bayaanka rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku tilmaamay go’aanka madaxwaynaha mid baalmarsan dastuurka KM ee Soomaaliya.
“Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa, ” ayaa lagu yiri bayaanka rai’sul wasaaraha.
Waxaa sido kale bayaanka ka so baxay xafiiska rai’sul wasaaraha lagu sheegay “in madaxwaynaha uu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah”.
Warqaddii ka soo baxday madaxwaynaha ayaa waxaa uu rai’sul wasare Rooble ku tilmaamay “waxba ka jiraan”
Bayaanka rai’sul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale waxaa uu faray guddiyada doorashooyiinka in ay dardar-galiyaan howlahooda laguna taagnaado jadwalka doorashada.
Rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu uga digay taliyayaasha ciidamada qeybahooda kala duwan in ay ku milmaan siyaasadda.
“Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka, ” ayaa lagu xusay bayaanka.
Ra’iisul Wasaaruha ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka.
” Waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay madaxwaynaha ” ku xad-gudubka dastuurka iyo jabinta heshiisyada dorashada”.
Ugu dambeyntii rai’sul wasaaraha waxaa uu u balanqaaday Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in xukuumadiisa ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments