Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda dacwad oogidda oo meesha ka saartay kiisas ka dhan ahaa saddex...

Waaxda dacwad oogidda oo meesha ka saartay kiisas ka dhan ahaa saddex xildhibaan

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa meesha ka saaray eedeymaha loo haystay saddex ka mid ah afar xildhibaan oo la xiray bishii saddexaad ee sanadkan intii lagu guda jiray doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Kabuchai ee ismaamulka Bungoma .
Saddexda siyaasi ayaa kala ah senatarka ismaamulka Nandi Samson Cheragei , xildhibaanka Nandi Wilson Kogo iyo dhiggiisa Belgut Nelson Koech ,waxaana dacwadaasi hoggaaminayay garsoore Stephine Mogute.
Dhanka kale kiiska ka dhanka ah xildhibaanka Kimilili Didmas Barasa ayaan wali meesha laga saarin waxaana maxkamad la soo taagi doonaa 25 -ka bishaan.
Afarta xildhibaan ayaa la xiray xilligii doorashadii Kabuchai ee waxaana lagu soo eedeeyaay dacwad ah in ay isku diyaarinayeen inay fal dambiyeed culus gaystaan wallow ay wali xildhibaanada ku adkeysanayaan in eedeyntaasi ay tahay mid siyaasadaysaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments