Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga TSC oo fursad tababar siinaya ku dhawaad 2,000 oo ah ardayda...

Guddiga TSC oo fursad tababar siinaya ku dhawaad 2,000 oo ah ardayda bartay macallinimada

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa shaaciyay fursado tababar oo ay helayaan 1,995 ah ardayda bartay culuunta macallinimada.
1,038 ka mid ah tiradan ayaa loo qoondeeyay dugsiyada hoose dhexe halka 957 fursadood loogu talagalay dugsiyada sare.
Barnaamijkan oo soconaya muddo hal sano ah ayaa looga gol-leeyahay in sare loogu qaado aqoonta shakhsiyaadka ku biiraya waaxda waxbarashada ee wadanka.
Madaxa fulinta ee guddiga TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay in marka uu tababarka dhammaado macallimiintan la siin doono shahaado ka turjumaysa waxyaabaha ay kororsadeen ee dhanka xirfadda waxbaridda.
Waxay cidii fursaddan daneynaysa ku wargelisay inay codsi dirsato ka hor 27-ka bishan sagalaad iyadoo adeegsanaysa barta www.teachersonline.go.ke .
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dhaqangelinta manhajka cusub ee tacliinta ee CBC oo uu xusay in ardayda ay waxyaabo badan ka faa’iidayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments