Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dib loo furay

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dib loo furay

Ku dhawaad Saddex Sano ka dib waxaa Maanta dib loo furay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo uu dhismo ka socday.
Wadadaan oo dhismaheeda socday sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacay dhibaatooyin kala duwan oo ay kamid yihiin qaraxyo lala beegsaday Injineerada Turkiga iyo Shaqaalaha Soomaalida ah ee dhismaha ka waday wadada.
Maanta ayaa waxaa la arkayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sida Gaadiidka dadweynaha iyo Mooto Bajaajta oo si caadi ah wadada uga Shaqeeysanaya.
Qaar kamid Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee Bii’elka iyo Mooto Bajaajta oo warbaahinta la hadlay ayaa aad u soo dhaweeyay furitaanka wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyaga oo sheegay in ay doonayaan in waddooyinka kale loo furo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments