Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dugsiyada ismaamulka Laikipia oo maanta dib loo furay iyadoo amniga la adkeeyay

Dugsiyada ismaamulka Laikipia oo maanta dib loo furay iyadoo amniga la adkeeyay

Waxaa maanta dib loo furay goobaha waxbarashada ee degmada Ol Moran ee ismaamulka Laikipia ka dib rabshado iyo dhaca xoolaha ee saameeyay halkaasi.
Saraakiisha booliiska ayaa loo xilsaaray inay sugaan amniga goobaha tacliinta ee dowlad deegaankaasi.
Dowladda dhexe ayaa ku dhawaaqday in burcadda ay iskaaga baxeen aagaasi.
Agaasimaha waxbarashada ee deegaanka galbeedka Laikipia Josephine Thuranira ayaa sheegtay in rabshadaha ay saameysay ku dhawaad 25 dugsi oo ku yaalla ismaamulkaasi.
Dowladda ayaa dadkii ka barakacay guryahooda iyo goobaha ay rabshaduhu ka dhaceen ka codsatay inay carruurtooda ku soo celiyaan iskuullada si ay waxbarashadooda u sii wataan.
Barasaabka ismaamulka Laikipia Ndiritu Muriithi oo ka hadlayay kaniisadda kaathooliga ee degmada Ol Moran ayaa sheegay in saraakiisha amniga ay sugi doonaan badqaabka ardayda iyo macallimiinta dugsiyada aagagga ay dhibaatadu saameysey ku yaallo.
Waxaa uu intaa ku daray in fasallada dugsiga hoose ee Mirigwit oo ay toddobaadkii hore gubeen burcadda la dayactiri doono.
Guddoomiyaha ururka macallimiinta dalka ee KNUT laanta ismaamulka Laikipia Francis Itegi ayaa sheegay in dowladda ay maanta kala xaajoonayaan badqabka macallimiinta diyaarka u ah inay dib ugu soo laabtaan goobahooda waxbarashada.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr Fred Matiangi uu amar ku bixiyay in maanta dib loo furo iskuullada ismaamulkaasi.
Iskudhacyada soo noqnoqday ee dowlad deegaanka Laikipia islamarkaana u dhexeeyo xoolo dhaqatada iyo beeralayda ayaa sababay weerarro ay dad ku dhinteen iyo dhaawacyo sidoo kalena hanti lagu burburiyay.
Laikipia ayaa ka mid ah meelaha inta badan laga soo tabiyo dagaallada salka ku haya dhaca xoolaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments