Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Laikipia oo laga mamnuucay kulamada siyaasadeed

Laikipia oo laga mamnuucay kulamada siyaasadeed

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai ayaa hoggaamiyaasha uga digay in ay gudaha ismaamulka Laikipia ku qabtaan kulamo iyagoo aan oggolaansho haysan.
Mr. Mutyambai ayaa bayaan ku sheegay in xaaladda amni ee dowlad deegaankaasi aynan weli xasilooneyn ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen falal sababay dhimasho, barakac iyo burbur hantiyeed.
Abaanduulaha booliska waxaa uu si cad u sheegay in aan isku imaatin siyaasadeed lagu qaban karin Laikipia.
Dowladda dhexe ayaa maalmihii ugu dambeeyay wadday dadaalo ka dhan ah siyaasiyiinta lagu eedeyay inay is qabadsiinayaan shacabka.
Waxaa ilaa iyo hadda la xiray labo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Rift Valley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments