Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Kulankii MD Farmaajo iyo rw Rooble oo natiijo la'aan kusoo dhammaaday

Kulankii MD Farmaajo iyo rw Rooble oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Kulan saacado badan qaatay ayaa ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaas oo lagu dhexdhexaadinayay Madaxweye Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.
Shalay Duhuradii ayaa Madaxweynayaasha Galmudug & Koonfur Galbeed waxaa ay isku keneen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo si aad ah uga dooday qoddobada ay isku hayaan.
Intaas kadib guddiyo ay labada dhinac iska soo saareen ayaa kulmay, kuwaas oo aan wax najiijo ah keenin, hayeeshee ay markale isku laabteen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Xogaha laga helay kulanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ay mowqifyo adag kala taagan yihiin, waxaana qodobada ay isku mari la’yihiin kamid ah, kiiska Ikraan Tahliil in lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo hay’addaha Cadaaladda u gudubto iyo arrinta Agaasimaha Hay’adda NISA.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Farmaajo uu diiday labadaas qodob, kuna adkeystay in gorgortan aan laga geli karin, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu mowqifkiisa ku taagan yahay, taas oo keentay in wada-hadallada oo aan wax natiijo ah kasoo bixin in lagu kala tago.
Maanta ayaa wada-hadallada oo ay garwadeen ka yihiin Madaxweynayaasha Galmudug & Koonfur Galbeed la sii amba qaado, si xal looga gaaro khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments