Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo amartay In dib loo furo dugsiyada ismaamulka Laikipia laga bilaabo...

Dowladda oo amartay In dib loo furo dugsiyada ismaamulka Laikipia laga bilaabo Isniinta

Dowladda ayaa amar ku bixisay in dib loo furo iskuullada ismaamulka Laikipia laga bilaabo maalinka Isniinta ee 13-ka bishaan.
Saraakiisha booliiska ayaa loo xilsaaray inay sugaan amniga goobaha tacliinta ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa amarkan soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr Fred Matiangi ka dib booqashadii uu shalay ku tagay ismaamulkaasi.
Weerarrada burcadda ayaa muddoooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay dowlad deegaanka Laikipia taasoo horseeday khasaare nafeed iyo barakac baaxad leh.
Boqolaal ka mid ah dadka deegaankaasi, oo ay ku jiraan carruur dhigata dugsiyada iyo haween ayaa ka qaxay guryahooda.
Burcad aad u hubeysan ayaa gubay dugsi ku yaalla galbeedka Laikipia, taasoo dhalisay in la xiro dhowr iskuul.
Waxaa ayna curyaamisay waxbarashada in ka badan 2,000 oo arday.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Fred Matiangi ayaa xusay si loo taageerro dib u furka goobaha wax barashada ee ismaamulka Laikipia, ayuu amar ku bixiyay in xarun boolis ah laga hirgeliyo aagga Ol Moran oo maalmihii ugu dambeeyay ay burcad ka gaysanaysay weerarro ay dad ku dhinteen sidoo kalena hanti lagu burburiyay.
Laikipia ayaa ka mid ah meelaha inta badan laga soo tabiyo dagaallada salka ku haya dhaca xoolaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments