Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Deni oo ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda

Madaxweyne Deni oo ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga digay guud ahaan laamaha Amniga ee ka howlgalla degaanada maamulka Puntland iyo sidoo kale qeybaha kale ee dalkaba in ay ka digtoonaadaan in ay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda.
Waxaa uu sheegay in laamaha Amniga laga doonaayo in ay qeyb ka noqdaan xaqiijinta goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka balse aysan u kala safan Karin dadka Musharaxiinta ah ee doonaya kuraasta labada Aqal.
Deni ayaa soo jeediyay in dalka uu gali karo xaalad halis ah haddii laamaha Amniga ay faragaliyaan arrimaha siyaasadda ayna meesha ka baxayso kaalintii dhexdhexaadnimada iyo ciidanimada.
“Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” Hadalkan ayuu kasheegay madaxweynaha munaasibad uu ku dalacsiiyey ciidamadii ka shaqeeyey nabadgelyada gobolka Mudug.
Horaya aya qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay ugu eedeeyeen ciidanka dowladda Soomaaliya in ay faragalin ay ku sameeyeen arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayna la safteen Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments