Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xildhibaanka galbeedka Wajeer oo ku baaqay in laga shaqeeyo danta shacabka

DHAGEYSO:Xildhibaanka galbeedka Wajeer oo ku baaqay in laga shaqeeyo danta shacabka

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh ayaa guddoomiyaha ismaamulkaasi Axmad Cali Mukhtaar iyo ku xigeenkiisa Haashim Muuse Yuusuf oo shalay la dhaariyay ku boorriyay inay diirradda saaraan midnimada dhanka maamulka.
Mr. Axmad ayaa madaxda iyo shacabka Wajeer ka codsaday inay ka wada shaqeyaan danta guud.
Waxaa uu tilmaamay in aan loo baahneyn in siyaasaddu ay noqoto mid ku saleysan qabiil ama u daneynta deegaan gaar ah.

Dhanka kale waxaa uu wacad ku maray inuunan ka qayb geli doonin kulan siyaasadeed oo uu hor kacaya wasiirka maaliyadda Ukur Yattani.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada ay aasaaseen urur loogu magacdaray UPYA hasa ahaate xildhibaanka ayaa sheegaya in ay gorgortan siyaasadeed la gelayaan keliya cidda u taagan horumarinta danaha shacabka ay matalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments