Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaankii hore ee deegaanka waqooyiga Laikipia oo dammaanad lagu sii daayay

Xildhibaankii hore ee deegaanka waqooyiga Laikipia oo dammaanad lagu sii daayay

Mudinihii hore ee deegaanka waqooyiga Laikipia Mathew Lempurkel ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan hadallada naceybka iyo isku dirka bulshada.
Waxaa uu shalay ka soo hormuuqday garsooraha maxkamadda Milimani Sinkiyan Tobiko, isagoo hal habeen ku hoyday xabsiga.
Mr .Lempurkel ayaa subaxnimadii Arbacada ee toddobadkan laga qabtay hooygiisa xaafadda Ongata Rongai ee ismaamulka Kajiado.
Waxaa uu maxkamadda ka hor sheegay inuusan wax dambi ah gelin waxaana ugu dambeyn lagu sii daayay dammaanad lacageed oo dhan 150,000 oo shilinka dalka.
Xildhibaanka hore ee deegaanka waqooyiga Laikipia ayaa la sheegay inuu hadallo dhiirrigelin ah ka jeediyay barnaamij ka baxay telefishin maxalli ah oo ku baxa afka luuqadda qowmiyadda Masaayda taariikho kala duwan intii u dhexeysay 11 ilaa 17-kii bishii Toddobaad ee sannadkan.
Sida laga soo xigtay saraakiisha dacwad soo oogidda, Mr .Lempurkel ayaa sheegay in dhirta iyo dhulka ee deegaanka Laikipia ay leeyihiin qowmiyadda Masaayda.
Hadalladii uu telefishinka ka jeediyay ayaa la rumeysan yahay inuu gacan kaga geystay iskudhacyada dhaca xoolaha ee dowlad deegaanka Laikipia.
Dacwaddan ayaa mar kale la dhageysan doonaa 22-ka bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments