Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo soo saaraysa 2 bilyan oo loogu talagalay abaarta

Dowladda oo soo saaraysa 2 bilyan oo loogu talagalay abaarta

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa maanta oo Jimco ah soo saari doonto miisaaniyad dhan 2 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo qoondeeyay barnaamijyada ay dowladda dhexe kula tacaalayso abaarta saameysay qeybo ka mid ah wadanka.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii uu dhawaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ku dhawaaqay in abaarta jirta ay tahay musiibo qaran.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Kenya Mr. Ukur Yatani ayaa sheegay in lacagtan lagu wareejin doono wasaaradaha qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga oo ay ka mid tahay midda dowlad wadaajinta.
Ismaamullada ay ka jiraan xaalado adag oo ka dhashay abaarta waxaa ka mid ah kuwa waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments