Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda socdaalka oo baaritaan ku sameynaysa labo qof oo u dhashay Burundi

Waaxda socdaalka oo baaritaan ku sameynaysa labo qof oo u dhashay Burundi

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa baaritaano ku hayso labo qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Burundi oo galinkii hore ee shalay lagu qabtay ismaamulka Migori.
Taliyaha booliska ee deegaanka galbeedka Kuria Cleti Kimaiyo ayaa sheegay in eedeysanayaasha loo haysto inay wadanka si sharci darro ah ku soo galeen.
Ciidamo batrool sameynayay ayaa labada qof ka qabtay goob laga raaco baabuurta u kala gooshta Migori iyo Isebania.
Mr. Cleti ayaa intaa ku daray in aan la ogeyn halka ay tuhmanayaasha ku wajahnaayeen.
Waxaa uu taliyuhu dhanka kale xusay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah ajaaniibta yimaada Kenya iyagoo aan sidan dokumeentiyada muhiimka ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo warbixin ay horay u soo saareen laamaha ammaanka lagu sheegay in bilooyinkii ugu dambeeyay ay Kenya soo gaarayeen qaar ka mid ah shacabka dalka Burundi oo magan-galyo doon ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments