DHAGEYSO:William Ruto oo taliyaha guud ee booliska ugu baaqay inu faraha kala baxo siyaasadda

0
455

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa abaanduulaha booliska Hillary Mutyambai u soo jeediyay inuu iska ilaaliyo in loo adeegsado fulinta dano siyaasadeed.
Waxaa uu xusuusiyay inuu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan xeerarka wadanka u degsan oo ay dhexdhexaadnimo ku dheehan tahay.
William Ruto waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhibaatooyinka amni darro ee ka jiro ismaamulka Laikipia ay muujiyeen habacsanaanta saraakiisha ammaanka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in booliska iyo waaxyaha kale ee amniga laga doonayo inay kalsooni ku beeraan kenyaanka oo ayna u xaqiijiyaan in si siman loogu wada adeegayo.

Ruto ayaa dhanka kale xusay in siyaasiyiinta ka tirsan garabka mucaaradka aynan mudnayn inay dhaliilaan dowladda talada haysa maadaama sida uu hadalka u dhigay ay carqaladeyeen fulinta qorshayaashii horumarineed.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeedo Kisii balse ku sugan caasimadda dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here