Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Taliyeyeesh ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kulan yeeshay

DHAGEYSO:Taliyeyeesh ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kulan yeeshay

Waxaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Asluubta, Millateriga, Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Agaasimaha uu Farmaajo sida kumeel gaarka ah ugu Magacaabay Hay’adda NISA sidoo kalena ah Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ee Yaasiin Fareey.
Kulanka ayaa taliyeyaasha waxaa ay uga hadleen xaalada amni ee dalka sida loo wajahayo xaaladda ka taagan iyo sidii loo xaaiijin lahaa amniga dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay inay diirada ku saareen arrimaha doorashooyinka amnigooda iyo sida looga gudbi lahaa isqab qabsiga arrinaha doorashooyinka la xiriira.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xaaladda amaniga ee dalka haatan yahay mid wanaagsan, isla markaana aysan kajirin sida dadka ay Baraha Bulshada wax ugu soo qorayaan, waxaana uu ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay ciidamada kala shaqeeyan amaanka iyo hormarka wadanka.
Taliye Xijaar aya intaas ku daray in shirkooda ay ku cadeeyeen in Ciidamadu ku filan yihiin Amniga dalka ayna sugayaan, sidoo kale uu sheegay in dalka Soomaaliya uu leeyahay cadaw Gudaha & dibadda ah, isla markaana ay dhici karto inay ka faa’iideystaan xilliga doorashada ee lagu jiro sidoo kalena shirkaan uu yahay mid caadi ah oo asbuuc kasta hal mar la qabto.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan maamul Goboleedyo ay tageen si looga hubiyo amniga goobaha ay ku qabanayaan doorashada, sidoo kalenay qorsheynayaan inay tagaan dowlad goboleedyada kale ay tagaan si loo hubiyo Amnigooda.
Wuxuu sidoo kale Taliye Xijaar sheegay inaysan dhibaato jirin kala aragti duwanaantuna aysan saamayn doonin amaanka wadanka ayna shacabka garanayaan waxa ay dantu ugu jirto.

Kulanka ay maanta yeesheen taliyaasha ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli dalka laga dareemayo khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayadoo wararka qaar ay sheegayaan inuuu jiro dadaalo arintaas lagu dhamaynayo oo ay Bilaabeen qaar ka mid ah madaxda maamul goobleedyada Soomaaliya gaar ahaan Galmudug iyo koonfur Galbeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments