Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha oo laga dalbaday inuu si toos ah uga hadlo muranka kala...

DHAGEYSO:Madaxweynaha oo laga dalbaday inuu si toos ah uga hadlo muranka kala dhexeya ku xigeenkiisa

Qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto sida mudanaha deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu Kimani Ichung’wa iyo dhigiisa Mathira ee dowlad deegaanka Nyeri Rigathi Gachagua ayaa madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta ka dalbaday inuu ku xigeenkiisa si toos ah ugala hadlo waxyaabaha ay isku hayaan.
Waxay sheegeen in aan loo baahneyn sida ay hadalka u dhigeen in madaxweynaha uu adeegsado siyaasiyiin uu ka mid yahay xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Tuju su’aal geliyay kororka hantida Ruto oo uu sheegay in sanado ka hor ay ahayd 100 milyan balse toddobo sano ka dib tahay ballaayiin taasoo uu xusay inay faahfaahin u baahan tahay.
Hasa ahaate Mr. Kimani iyo Mr. Gachagua ayaa ku doodaya in iskuday kasta oo la sameeyo aan hoos loo dhigi karin taageerada siyaasadeed ee uu madaxweyne ku xigeenka ku leeyahay gobolka bartamaha wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments