Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila Odinga oo sheegay inuu is casilayo hadii uunan oofin ballanqaadyadiisa

Raila Odinga oo sheegay inuu is casilayo hadii uunan oofin ballanqaadyadiisa

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in hadii sanadka 2022-ka uu noqdo madaxweynaha dalka oo uunan ka soo bixin ballanqaadyada uu kenyaanka u sameynaya uu xafiiska baneyn doono.
Mr. Odinga ayaa tusaale u soo qaatay madaxweynihii hore ee Tanzania Julius Kambarage Nyerere oo uu xusay inuu sidan sameeyay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa si cad u sheegay in uunan wax qiil ah cuskan doonin hadii uu ku guuldareysto fulinta ballanqaadyada ay musharraxiinta sameyaan xilliyada ololaha doorashada.
Waxaa uu sidoo kale dhaliilay qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto gaar ahaan garab qabashada danyarta oo uu ku tilmaamay khiyaano xeeladeysan.
Arrimahan ayuu Mr. Odinga ka hadlay xilli uu khudbad u jeedinayay ardayda jaamacadda Nairobi ee caasimadda dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments