Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 40 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xabsi...

In ka badan 40 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xabsi ku yaalla Indonesia

Ugu yaraan 40 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Indonesia ka dib dab aroornimadii hore ee maanta laga soo tabiyay xabsi ku yaalla gobolka Banten.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay dhaawacmeen dhowr qof oo kale.
Haweeney u hadashay waaxda ciidamada asluubta ee dowladda Indonesia laguna magacaabo Rika Aprianti ayaa sheegtay in xaruntaasi ay ku jireen maxaabiis aad u tiro badan.
Waxay sidoo kale sheegtay in hadda ay socdaan baaritaano lagu ogaanaya sababta keentay in saldhigaasi uu gubto.
Mrs. Rika ayaa laga soo xigtay in maxaabiista loo haystay dambiyo la xiriira isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments