Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Rag kufsi wadareed u gaystay wiiil 13 sano jir ah oo xukun...

Rag kufsi wadareed u gaystay wiiil 13 sano jir ah oo xukun dil toogaso ah lagu riday

Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa Maanta xukun ku riday Saddex rag ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay faraxumeeyeen Wiil 13 jir ah.
Waxaa magayadooda lagu sheegay Xuseen Shaamil Maxamed Cali , Sakariye Cabdiraxmaan Saciid & Bishaar Maxamad Cali ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug ku eedeysay inay kufsi wadareed u geysteen Wiil 13 jir ah oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cabdifitaax Sheekh Xuseen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland Cabdinaasir Maxamed Cali oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Saddexda Ragga ah ay gaari ku qaateen Wiilka ay faraxumeeyeen, kaas oo gacanta lagu soo dhigay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in kadib markii la helay caddeeymaha kiiskaan ay maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Mudug Puntland xukun dil toogasho ah ku riday Saddexda raga ah, kuwaas oo kala ah, Xuseen Shaamil Maxamed Cali , Sakariye Cabdiraxmaan Saciid & Bishaar Maxamed Cali.
Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland aya horay waxaa ay sidan oo kale u riday xukuno kala duwan, kuwaas oo qaarkood ay kujireen falal kufsi ah oo loo geystay Carruur yaryar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments