Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaabka Kakamega oo doonaya in dowladda ay si buuxda u taageerto manhajka...

Barasaabka Kakamega oo doonaya in dowladda ay si buuxda u taageerto manhajka cusub ee waxbarashada

Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay si buuxda u maalgeliso manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC si looga mira dhalliyo.
Manhajka cusub ayaa la rajeynaya inuu ardayda ka soo dhiso dhinaca xirfadaha.
Barasaabka ismaamulka Kakamega ayaa soo jeediyay in la horumariyo kaabayaasha dugsiyada.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in inta badan hay’adaha waxbarashada ay la kulmi doonaan dhibaato, sababo la xiriira arday badan oo iska diiwaangelinaya goobaha tacliinta.
Mr. Oparanaya ayaa xusay in manhajka cusub ee waxbarasho uu wanaagsan yahay, balse dowladda iyadoo aysan si buuxda ugu diyaar garoobin ay bilowday manhajkan.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC uu la yimid culeys dhaqaale, isagoo intaa ku daray in dowladda ay tahay inay si buuxda u maalgeliso ama ay kabto.
Dowaladda dhexe ayuu ugu baaqay inay dhageysato waalidiinta walaaca ka muujiyay kharashka badan ee ku baxaya hirgelinta manhajkan.
Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega ayaa sheegay in loo baahan yahay qorshe habboon madaama manhajka cusub uu saamayn dhaqaale ku yeelan doonaa dhaqaalaha dalka, iyadoo loo baahan doono fasallo, qolal jiif ah iyo macallimiin dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments