Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Haweenay dishay ninkeeda oo da’a oo gacanta lagu dhigay

Haweenay dishay ninkeeda oo da’a oo gacanta lagu dhigay

Saraakiisha booliska ee magaalada Kandara ee ismaamulka Murang’a ayaa gacanta ku dhigay haweeney 65 sano jir ah oo dishay ninkeeda oo ay da’adiisu ahayd 99 sano jir.
Bayaan ay soo saartay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu soo toosay ka dib markii uu ka war helay dab ka kacay guriga wiilkiisa ka hor inta aysan xaaskiisu dilin.
Waxaa dhacdadan ka argagaxy dadka ku nool aaga la soo tabiyay falkan.
Haweenayda ayaa ninkeyda ku jarjartay baangad sida ay dadka deegaanka sheegeen.
Waaxda DCI-da ayaa haatan waddo baaritaan la xiriirka sida uu u dhacay falkan.
Meydka ayaa la geeyay goobta meydadka la dhiga ee isbitaalka Katooliga ee degmada Gaichanjiru ee dowlad deegaanka Murang’a si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments