Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Taalibaan oo sheegtay inay si buuxda ula wareegtay dooxada Panjshir

Taalibaan oo sheegtay inay si buuxda ula wareegtay dooxada Panjshir

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegtay dooxada Panjshir oo ahayd gobolkii ugu dambeeyay ee aan weli gacanta u galin urukan.
Waxaa gobolkan haystay xoogagga iska –caabbinta qaran ee Afghanistan (NRF).
Waxaa sidatan saaka shaaca ka qaaday afhayeenka ururka Taalibaan Zabihullah Mujahid..
Waxaa uu sheegay in gebi ahaanba gobolkaasi laga saaray xoogagga iska –caabbinta ee dooxada Panjshir.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada subaxnimadii hore ee saaka ayaa muujinayay xubno ka tirsan Taalibaan oo taagan afaafka hore ee dhismaha guddoomiyaha gobolka Panjshir.
Bayaan ay soo saareen xoogagga iska –caabbinta ee NRF ayay soo jeediyeen in Taliban ay joojiso howlgallada milatari ee ay ka waddo Panjshir islamarkaana ciidamadeeda kala baxdo gobolkaasi.
NRF ayaa ballanqaaday inay la dagaallami doonto Taalibaan, iyadoo sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxda la wareegtay gacan ku haynta dalka Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments