Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxay midowga musharraxiinta ka yiraahdeen go'aankii Rw Rooble iyo jawaabtii MD Farmaajo?

Maxay midowga musharraxiinta ka yiraahdeen go’aankii Rw Rooble iyo jawaabtii MD Farmaajo?

Midowga musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggaadiyay go’aanka uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankaas uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay, isla markaana uu billow u yahay soo celinta sumcada hay’adda NISA.
Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen in baaritaan lagu sameeyay Taliyaha Nisa, sidoo kale qoraalka kasoo baxay MD Farmaajo ay u arkaan mid lagu carqaladeeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil, lagu khalqal gelinayo amniga dalka iyo doorashooyinka waa sida ay hadalka u dhigeen.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Midowga Musharrixiinta oo ka kooban laba Bog ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay inay Ra’iisul Wasaaraha ku garab taagan yihiin cadaalad u raadinta Qoyska Ikraan Tahliil, arrimaha doorashooyinka iyo soo celinta sumcadda Hay’adda NISA.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka midowga musharrixiinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments