Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay weheliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehellada Ikraan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay ehellada Ikraan dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda oo sirdoonka NISA uu sheegay inay dileen Al-Shabaab balse Al-Shabaab ay iska fogeeyeen.
Maxamad Xuseen Rooble ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay inay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo.
Kulanka ayaa yimid 24 saac kadib markii uu Rooble sheegay inuusan ku qancin warbixinta NISA ay ku sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, uuna ka dalbaday in 48 saac ay ugu soo gudbiyaan warbixinta dhameystiran.
Rooble ayaa sheegay in kadib 48 saac uu go’aan ka gaari doono tallaabada uu qaadayo ee la xiriirta kiiska Ikraan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments