Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo laga xaqiijiyay 480 oo ah xaaladaha cusub...

Kenya oo laga xaqiijiyay 480 oo ah xaaladaha cusub ee COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay diiwaangelisay in cudurka COVID19 uu saameeyay 480 qof oo dheeraad ah ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan gaaraya 5,668.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska caabuqa ee Kenya ka dhigtay 240,172.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in 448 ka mid ah dadka ugu dambeeyay ee xanuunka lagu arkay ay yihiin kenyaan halka 32 ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxay xaaladaha cusub ee maanta isugu jiraan 254 rag iyo 226 dumar ah oo ay da’doodu u dhexeyso hal sano ilaa 98.
Dhanka waqooyi bari waxaa saddex xaaladood oo cusub laga diiwaangeliyay ismaamulka Garissa.
Sidoo kale waxay wasaaraddu shaacisay 8 dhimasho oo dheeraad ah in kastoo xilliyo dambe la soo sheegay tani oo dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 ka dhigaysa 4,786.
Waxaa xanuunka ka caafimaaday 809 bukaan oo hor leh.
703 oo tiradan ka mid ah ayaa lagu daryeelayay guriyaha halka 106 laga saaray isbitaallada guud ahaan wadanka.
Tirada guud ee bukaannada ilaa iyo hadda xanuunka kaga bogsaday gudaha Kenya ayaa ah 228,083.
Waxaa weli xanuunka qabo oo isbitaallada ku jiro 1,829 iyadoo 4,994 bukaan lagula tacaalaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da waxaa ku jiro 155 bukaan.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa tirada dadka ee laga tallaalay cudurka COVID19 ku sheegtay 2,862,528 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments