Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 12 ka mid ah booliska Ciraaq oo weerarro lagu...

In ka badan 12 ka mid ah booliska Ciraaq oo weerarro lagu dilay

Weerarro mataana ah oo looga shakisan yahay inay fuliyeen dagaalyahaannada kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS oo laga gaystay meel u dhow magaalada Kirkuk ayaa lagu dilay ugu yaraan 12 sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada booliska dalka Ciraaq.
Falalkan ayaa lala eegtay bar kontorool oo ku taalla dhanka waqooyi ee wadankaasi.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ugu horreyn uu iskudhac dhexmaray dableyda iyo booliska kaasoo socday labo saacadood.
Ka dib markii ciidamo dheeraad ah la keenay goobta ayaa lala eegtay weerar gaadmo oo loo adeegsaday waxyaabaha qarxa oo la geliyay waddada hareeraheeda .
Saddex boolis ah ayaa dhaawacmay halka ay wararku sheegayaan in mid kale la la’yahay.
19-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii weerar ay mas’uuliyadiisu sheegatay kooxda ISIS oo ka dhacay suuqa al-Woheilat ee magaalada Sadr , duleedka caasimadda dalkaasi ee Baghdad lagu dilay 30 qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments