Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay inaysan jirin cid u xulatay hoggaamiye xisbi siyaasadeed

Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay inaysan jirin cid u xulatay hoggaamiye xisbi siyaasadeed

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa beeniyay in lagu wado in loo magacaabo hoggaamiyaha xisbiga dimuqraadiga ka hor doorashada guud ee 2022-ka.
Waxaa uu xusay in arrintan la faafinaya ay tahay war xan oo mudan in la iska indho tiro.
Bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu Justin Muturi sheegay inuu u loolamayo xilka madaxtinimada ee dalka.
Mr. Muturi ayaa shaaciyay in uusan weli la imaan xisbi siyaasadeed oo uu isagu doortay, islamarkaana marka la gaaro wakhtiga ku habboon uu shaaca ka qaadi doonaa xisbiga uu u adeegsan doono jagada madaxweynenimada ee doorashada soo socoto.
Waxaa uu tilmaamay inuu doonayo inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Kenya uuna hubiyo in si siman loo qeybsado kheyraadka iyo in uu dalka u horseedo horumar.
Waxa uu tusaale u soo qaatay gobolka bartamaha dalka oo uu ku tilmaamay meesha ugu daran ee dhinaca horumarka kaga dambeysa gobollada dalka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la gaaray waktigii bariga Mt Kenya uu soo saari lahaa madaxweynaha xiga ee wadanka.
Waxaa uu intaa ku daray in gobolka bartmaha bari ee dalka la imaan doonaan xisbi awood leh oo hanan doona madaxtooyada dalka looga arrimiyo.
“Waxaan qorsheyneynaa inaan helno xisbi noo gaar ah oo soo dhisi doona dowladda soo socota,” ayuu yiri Mr Muturi.
Mr Muturi ayaa ku boorriyay hogaamiyaasha ka soo jeeda gobolka bartamaha bari ee dalka inaysan u ololeyn xisbi siyaasadeed kale oo aan ka soo jeedin gobolkaasi.
Waxaa xusay in madaxda kaniisadaha ay kaalin weyn ku leeyihiin siyaasadda dalka, ayna tahay inay gacan ka geystaan hubinta in hoggaamiyeyaal wanaagsan oo kaliya la doorto.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo madaxda ay isku fikirka yihiinn si hannaanka dalka wax looga beddelo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments