Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo amray in dib u eegis lagu sameeyo galka baarista...

Madaxweynaha Mareykanka oo amray in dib u eegis lagu sameeyo galka baarista weerarradii September 11

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay islamarkaana amaray hay’adda FBI-da in ay kala shaandeyso dukumentiyada la xiriira weeraradii argagixiso ee dhacay 11-kii September ee sanadkii 2001-dii.
Weerarradaasi oo ayaa lagu qaaday daarihii mataanahaa ahaa ee lagu weeraray diyaaradaha ee magaalada Newyork.
Amarkan oo soo baxay shalay ayaa taageerro u ah qoysaska dhibbanayaashii weerarkaas oo muddo dheer raadinayay diiwaannada dhacdadaasi oo ay filayaan in laga heli doono ku lug ku yeelashada weerarkaas ee boqortoyada Sacuudiga.
Baaritaanno hore loo sameeyay ayaa lagu qeyxay in uu xiriirka ka dhexeeyay muwaadiniinta Sacuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaashii diyaaradihii weerarka lagu fuliyay, inkasta oo aan la xaqiijin in ay dowladda Sacuudigu wax lug ah ku laheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments