Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xaaladda amni ee Laikipia oo maanta laga shirayo iyo go’aan laga soo...

DHAGEYSO:Xaaladda amni ee Laikipia oo maanta laga shirayo iyo go’aan laga soo saari doono

Golaha qaran ee ka tala bixiya arrimaha ammaanka ee (NSAC) ayaa lagu wadaa inay maanta kulan yeeshaan si ay u eegaan xaaladda amni ee ismaamulka Laikipia.
Waxaa sidatan laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in dowladda ay wax ka beddeleyso qaabkii ay u wajahi lagahayd amni darrada ka jirta qaybo ka mid ah dalka.
Dr Kibicho ayaa xusay in dilkii dhawaan hal qof loogu geystay dowlad deegaanka Laikipia aysan dowladda u dulqaadan doonin falalkan noocaan islamarkaana ay tallaabo adag qaadi doonto.
Waxaa uu sidoo kale su’aal geliyay sida hoggaamiyeyaasha maxalliga ah uga go’an tahay dadaallada nabadda ee dowlad deegaanka Laikipia iyo ismaamullada deriska la ah.
Mr. Kibicho ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha aaggaasi laga soo doorto ay hore u carqaladeeyeen dadaalladii nabadda ee la waday.
Waxaa uu ka digay in dowladda dhexe ay hadda fulin doonto wixii go’aan ah ee la gaaro islamarkaana ka dhan xaaladda amni ee ismaamulka Laikipia.
Iskudhacyo soo noqnoqday ee dowlad deegaanka Laikipia islamarkaana uu u dhexeeyo xoolo dhaqatada iyo beeralayda ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments