Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Howlgallo ka socda Jowhar ka dib weerarkii xalay

Howlgallo ka socda Jowhar ka dib weerarkii xalay

Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo ay ku dhaawacmeen Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.
Weerarka bambo gacmeedkaa halka lagu tuuray ayaa ah xaafad ay si weyn u deggan yihiin musharraxiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ayna ka fogeyn huteellada waaweyn ee magaalada.
Xaaladda Caafimaad ee xildhibaannada ayaa la sheegay in ay soo hagaageyso, waxaa la sheegay in dhaawacyadooda ay fudud yihiin.
Howlgalo dadka guryaha loogu galayo ayaa saaka ka socda xaafadda Hanti-wadaag gaar ahaan laanta koowaad ee magaalada Jowhar halkaas oo uu xalay ka dhacay Qaraxa bam gacmeedka.
Ciidamada ayaa la soo sheegayaa in ay dhallinyaro badan guryaha kala baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments