Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ciidamo AMISOM lagula eegtay Shabeellada Dhexe

Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ciidamo AMISOM lagula eegtay Shabeellada Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Qaraxa miinada nooca dhulka lagu Aaso ah lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qaybta ka ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM.
Sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya daabacayso qaraxan ayaa ciidamada waxaa lagula eegtay degaanka Buurane oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbahainta gudaha Soomaaliya u sheegeen in qaraxa lala beegsaday Ciidamada Burundi xilli ay kasoo baxeen Saldhigga ay ku leeyihiin degaanka Buurane, isla markaana qaraxa ka dib ay Ciidamada fureen rasaas farabadan, taasoo aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad Shacab ah ee deegaankaasi ku nool.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in qaraxaas ay ku dileen laba katirsan oo Ciidamada Burundi walow aysan jirin cid madax bannaan oo xaqiininaya sheegashada Al-Shabaab
Saraakiisha Ciidamada Burundi ee ka howlgalla Gobolka Shabeellaha dhexe ayaan dhankooda weli ka hadlin qaraxaas, waxaana inta badan qaraxyo lagula eegtaa xilliyada ay ku socdaalayaan inta u dhaxeeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments