Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo bixinaysa 2 bilyan oo lagula tacaalaya abaarta

Dowladda oo bixinaysa 2 bilyan oo lagula tacaalaya abaarta

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay in dhawaan la soo saari doono lacag dhan 2 bilyan oo shilin taasoo loo qoondeeyay wax ka qabashada saameynta abaarta .
Miisaaniyaddan ayaa waxaa bixinaya sanduuqa qaran ee ka fal-celinta degdegga ee abaarta ee (NDEF).
Mr. Wamalwa ayaa abaarta ka jirto deegaanada kala duwan ee dalka u aaneeyay in roobab badan aynan wadanka ka da’in.
Roobabkan ayaa la filayay inay da’aan intii u dhexeysay bishii Tobnaad ee sanadkii hore ilaa bishii Shanaad ee sanadkan.
Meelaha ay saameynta ugu badan ee abaartu soo gaartay waxaa ka mid ah waqooyiga iyo xeebta.
Wasiirka ayaa tilmaamay in khuburrada cimiladu ay saadaalinayaan in bisha Tobnaad ee sanadkan ay yaraan karaan roobabka la rajeynayo tani oo Kenya qarka u saari karto xaalad adag gaar ahaan gobollada waqooyiga iyo xeebta wadanka.
Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay in 10-ka ismaamul ee ay abaartu sida wayn u taabatay ay kala yihiin Turkana, Marsabit, Garissa, Wajeer, Mandera, Isiolo, Samburu, Tana River, Kilifi iyo Lamu.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in tirada dadka ee noolal adag ku jiro ay tahay qiyaastii 2 milyan oo ruux.
Dowladda dhexe ayaa ku dadaalaysa in loo gargaaro qoysaska iyo shakhsiyaadka ugu nugul bulshada .
In ka badan 100, 000 oo qoysas ah oo ku nool dowlad deegaanada Turkana, Marsabit, Wajeer iyo Mandera ayaa la siinayaa lacago ay u adeegsan karaan helidda waxyaabaha qutul daruuriga ah.
Wamalwa ayaa xusay in gargaarkan la gaarsiin doono ismaamullada kale ee Garissa, Tana River, Samburu iyo Isiolo oo lagu bartilmaameedsanaya ilaa 32, 000 oo qoys.
Wasaaradda dowlad wadaajinta ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda 500 oo milyan la bixiyay si dadweynaha loo gaarsiiyo biyo.
Wasiir Wamalwa waxaa uu carrabka ku dhuftay in gobolku uu wajahaya xaaladdii ugu darneyd ee abaarta tan iyo sanadkii 2011-kii.
Waxaa uu dowladaha ismaamullada ugu baaqay inay safka hore kaga jiraan badbaadinta nolosha shacabka iyo xoolaha ay ku tiirsan yihiin.
Mr. Eugene ayaa dowlad deegaanada ay ka mid yihiin kuwo waqooyi bari kula taliyay in ugu yaraan boqolkiiba labo ee miisaaniyadooda ay u qoondeeyaan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah sida ku qeexan xeerka maareynta maaliyadda ee PFM Act.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments