Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Barasaabka Mandera oo sheegay in aan la joogin xilligii madaxda xoolo dhaqatada...

DHAGEYSO:Barasaabka Mandera oo sheegay in aan la joogin xilligii madaxda xoolo dhaqatada ay siyaasad diiradda saari lahayeen

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in xilligan aan siyaasiyiinta laga soo doortay dowlad deegaannada xoolo dhaqatada looga baahneyn inay ka hadlaan barnaamijyo siyaasadeed.
Qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada ayuu Roba ku xusay in arrinta ugu muhiimsan ee la doonayo in xoogga la saaro ay tahay la tacaalidda abaarta saameysay deegaanada oomanaha ee loo yaqaano ASALs.
Mr. Roba ayaa ku baaqay in madaxdu ay dadaalkooda isugu geeyaan wax ka qabashada culeysyada jiro ee nololeed maadaama la saadaalinaya in xaaladda hadda taagan ay sidan ka sii adkaato.
Hadalka guddoomiyaha Mandera ayaa ku soo beegmaya kadib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada waqooyiga dalka oo uu hor kacayo wasiirka maaliyadda Mr. Ukur Yatani ay shalay ku dhawaqeen urur siyaasadeed oo ay ugu magacdareen UPYA.
Bayaan uu warbaahinta u akhriyay senatarka ismaamulka Garissa Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa lagu sheegay in wadatashi dheer ka dib ay aasaaseen dallad ka shaqeyn doonto danaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee reer guuraaga.
Waxaa bayaanka ku cad in dalladdan loo adeegsan doono in looga tashado qorshayaasha horumarineed iyo maalgalinta dhaqaale ee gobolka waqooyiga wadanka.
Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf ayaa xusay in ururkan sidoo kale uu mideyn doono madaxda si xal loogu helo dib u dhaca horumarineed ee in ka badan 50 sano ka jiray ismaamulladan.
Siyaasiyiintan ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii ay taageeri jireen isbeheysiyo kale oo ay hadda doonayaan inay wada hadal siyaasadeed la furan cid kasta oo u tartamaysa madaxtinimada wadanka diyaarna u ah fulinta danaha reer guuraaga.
Madaxda ayaa hoosta ka xarriiqay inay taageerayaan qorshaha horumarka ee madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee uu sanadkii 2018-kii la yeeshay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha xoolo dhaqatada oo ka hadlay tallaabada cusub ee ay qaadeen ayaa yiri

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments