Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Saraakiil ku biiraya IEBC oo la dhaariyay

Saraakiil ku biiraya IEBC oo la dhaariyay

Waxaa ugu dambeyn xilalkooda loo dhaariyay 4 sarkaal oo ka mid noqonaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda sare ee dalka ay daaqadda ka tuurtay dacwad looga soo horjeeday in saraakiishan la dhaariyo.
Dhaarinta mas’uuliyiintan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo horay u soo magacaabay baarlamaankana ay ansaxiyeen uu ugu dambeyn magacyadoodu ku soo bandhigay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Saraakiishan ayaa kala ah Juliana Whonge Cherera, Francis Mathenge Wanderi, Irene Cherop Masit iyo Justus Abonyo Nyang’aya.
Afarta qof ee ay dhaarisay madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ayaa buuxinaya jagooyinkii ay sanado ka hor iska casileen Roselyn Akombe, Margaret Mwachanya, Paul Kurgat iyo guddoomiye ku xigeenkii IEBC Consolata Maina .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments