Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida Fanaan Shamuuri

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida Fanaan Shamuuri

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday AUN fanaankii Caanka ahaa ee Maxamed Aadan Shamuuri, oo la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka Waabari oo xalay Muqdisho ku geeriyooday.
Wasiirka wasaarada warfaafinta dowlada Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay inuu Maxamed Adan Shamuuri ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kalena leh dabeecad fiican iyo dad la dhaqan wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments