Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Puntland oo digniin u dirtay dadka maandooriyaha ka ganacsada

Puntland oo digniin u dirtay dadka maandooriyaha ka ganacsada

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo kormeer amni u tegay Saldhigyada ciidamada Booliska Magaalooyinka Carmo & Ceeldaahir ayaa digniin u diray dadka isticmaala & kuwa ka Ganacada waxyaabaha maandooriya oo Khamriga ka mid yahay.
Waxaa uu sheegay Taliyuhu inay jiraan dad Magaalooyinka kala duwan ee Puntland Khamriga kasoo geliya islamarkana Magaalada Carmo keena, waxaana uu sheegay in dadkaasi loo baahan yahay inay joojiyaan.
Ugu dambeyn Taliye Cali oo kulamo looga hadlayay amniga la qaatay saraakiisha Booliska Magaalooyinka Carmo & Ceeldaahir ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono kuwa isticmaala & kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.
Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo ku qabatay Gaadiid siday waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo Goobo fagaarayaal ah lagu gubay, sidoo kalena dad loo maxkamadeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments