Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo ansaxiyay magacyada saraakiil ku biiraya IEBC

Baarlamaanka oo ansaxiyay magacyada saraakiil ku biiraya IEBC

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa turxaan bixin ka dib ansaxiyay magacyada afar sarkaal oo ka mid noqonaya mas’uuliyiinta sare ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee IEBC.
Saraakiishan ayaa kala ah Juliana Whonge Cherera, Francis Mathenge Wanderi, Irene Cherop Masit iyo Justus Abonyo Nyang’aya.
Waxaa u codeeyay 58 ka mid ah xubnaha baarlamaanka oo ka qayb galay kal-fadhigii gaarka ahaa ee golaha ee galinkii dambe ee shalay.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa laga sugayaa inuu magacyada xubnahan ku soo daabaco wargeyska rasmiga ee dowladda si ay xilalkoodu ugu dhaariso madaxa cadaaladda wadanka Martha Koome.
Saraakiishan ayaa buuxinaya jagooyinkii ay sanado ka hor iska casileen Roselyn Akombe, Margaret Mwachanya, Paul Kurgat iyo guddoomiye ku xigeenkii IEBC Consolata Maina .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments