Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Tababar ku saabsan maareynta mashaariicda oo lagu soo gabagabeynaya Nakuru

Tababar ku saabsan maareynta mashaariicda oo lagu soo gabagabeynaya Nakuru

Waxaa maanta ismaamulka Nakuru lagu soo gabagabeynayaa tababar soo billowday 29-kii bishii hore oo ay qabanayso wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka.
Tababarka ayaa loo marayaa barnaamijka taageeridda nidaamka la daadajiyay ee loo yaqaano (KDSP) waxaana ka faa’iidaystay saraakiisha sar sare ee 38 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Dowlad deegaanada ay mas’uuliyiin matalaya ka qayb galeen ayaa la soo xushay ka dib qiimeyn dhanka waxqabadka ah oo la sameeyay sanadkii hore.
Barnaamijka tababarka ee socday maalmihii la soo dhaafay ayaa looga gol-leeyahay in la soo saaro qorshayaasha maalgalineed ee ismaamullada iyo in sare loo qaado tayada la xiriirta aasaasidda iyo maareynta mashaariicda horumarineed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments